Barcelona Oo Xaqiijisay In Wadahadallo Ay Kula Jiraan Xiddiga Ka Tagaya Atletico Madrid Ee Antoine Griezmann

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay wadahadallo kula jiraan weeraryahanka Atletico Madrid ee Antoine Griezmann sida laga soo xigtay tababare Ernesto Valverde

Wiilka reer France ayaa maalmo ka hor cadeeyay in uu ka tagayo xagaagaan kooxda Atletico waxa ayna warar badan tilmaamayaan in uu ku sii jeedo qalcadda Camp Nou .

“Waa run , waan la xariirinay Griezmann , waa ayna inoo socdaan wadahadalka balse weli xilli ciyaareedka ma dhamaan” ayuu yiri Ernesto Valverde

” Weli finalka Cope Del Rey ayaa inoo harsan ka dib ayaan wax waliba si wacan uga hadli karaan balse guud ahaan wadahadallo waa socdaan” ayuu Ernesto Valverde sii raaciyay

” Aan aragno waxa dhacaya balse Griezmann waa xiddig cajiib” ayuu ku soo gabagabeeyay tababare Ernesto Valverde

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.