Arsenal Oo Go,aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang Kaas Oo Xiiso Ka Helaya PSG & Real Madrid.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa bartilmaameed u ah kooxaha Paris Saint-Germain iyo Real Madrid kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo qaatay kooxdiisa Arsenal iyaga oo isku diyaarinaya in ay dalabyo Rasmi ah ka soo gudbiyaan adeegiisa.

Laakiin kooxda Arsenal ayaa diidi doonta dalab kasta oo u yimaada Pierre-Emerick Aubameyang inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Aubameyang ayaa ku guulaystay kabta dahabka ah ee gool dhalinta premier League kadib markii uu 22 gool u dhaliyay kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Gabon ayaa doonaya in uu kooxdiisa kula guulaysto Europa League finalka ay kaga hor tagi doonaan kooxda Chelsea kulan ka dhici doona Baku.

Qaab ciyaareedka xiddiga ayaa soo jiitay kooxaha Real Madrid iyo PSG kuwaas oo doonaya adeegiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin BBC-da ayaa sheegaysa in ayna Arsenal wax niyad ah u hayn in ay iska iibiso xiddiga Aubameyang waliba si cad oo aan laba-labayn lahayn u diidi doonto dalab kasta oo ay kooxaha PSG iyo Real Madrid ka soo gudbiyaan.

Aubameyang ayuu laba sano uga hadhsan yahay heshiiskiisa waxana uu tababare Emery si aad ah u doonayaa in uu sii haysto xiddiga kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.