Antion Conte Oo Ku Dhaw In Uu Tababare U Noqdo Inter Milan & Sababta Aan Heshiiskiisa Haatan Loogu Dhawaaqayn Oo La Ogaaday

Tababare Antonio Conte ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhaw yahay in uu heshiis qalinka ugu duugo kooxda Inter Milan sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Antonio Conte ayaa la sheegayaa in uu ku dhaw yahay in uu heshiis u saxiixo kooxda Inter Milan si uu tababare ugu noqdo hadii ayna Juventus u dhaqaaqin adeegiisa.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in wax walba la dhamaystiray in uu Conte badal ugu noqdo tababaraha Inter Milan ee Luciano Spalletti xilli ciyaareedka dambe.

Si kasta ha ahaatee wargayska ayaa sheegaya in uu 49 jirkan sugayo in uu dalabyo ka helo kooxaha Man United, PSG iyo Juventus dalabkaas oo aan wali u iman.

Dhanka kale tababare Conte ayaa ogolaaday in uu heshiis wakhti fog ah u saxiixo kooxda Inter Milan isaga oo sanadkii ku qaadan doona lacag dhan 8 ilaa 9 milyan oo euro.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin Tababare Antonio Conte ayaa haatan ku dhaw in uu xilli ciyaareedka dambe ku soo laabto shaqada tababaranimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.