Adam Lallana Oo Loo Badinayo In Uu Ka Tagayo Liverpool , Isla Koox Ingiriiska Ah Ayaa Lala Xariirinayaa.

Adam Lallana ayaa la xariirinayaa kooxda Man City xilli laacibka qudhiisa uu arko meel uu kaga baxsan karo ciqaaabta Klopp waliba u sahleysa in qaranka Ingirisika uu booska kaga helo.

Laacibkaas 31 sano jirka ah ayaa loo badinayaa in baxayo xagaaga iyadoo hishiiskiisa shanta sano ah oo uu kula jiray Liverpool uu dhamaad ku dhaw yahay

Qadkaas dhexe ayaa xilli ciyaareedkaan soo dhamaaday waxa uu Liverpool u saftay 16 kullan waxaana uu ka sheegtay dhaawacyo hareeyay mustaqbalkiisa Liverpool .

Arintaan ayaa imaaneysa xilli la xusayo in laacibka uu u sheegay qaar ka mid ah ciyaartooyda Liverpool in uu doonayo in uu dib ugu laabto kooxdiisa hore Liverpool

Lallana ayaa kaliya xilli ciyaareedka soo dhamaadya 5 kullan kaliya ku soo biloowday kulamada kooxdaas lamana helin qiimaha ay Liverpool ku fasixi doonto.

Laacibkaas 31 sano jirka ah ayaa Liverpool u yimid xagaagii 2014-ta xilligaas oo uu 25 milyan oo gini uga soo wareegay Southampton

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.