XOG: Premier League Oo Laga Dhigay Rikoodh 114 Sano Jira

Horyaalka premier League ayaa laga ciyaaray bil cajiib ah oo gashay taariikhda tartanka kadib markii aan muddo bil ah wax bar-baro ah laga galin tartanka xilli ciyaareedkan.

Arinta cajiibka ah ayaa ah in aan wax kulan ah bar-baro la galin horyaalka premier League muddo bil ah iyada oo guulo la kala gaadhay dhamaan kulamadii laga ciyaaray tartanka.

Kulankii ay Bournemouth ba-rbaraha la gashay kooxda Newcastle 16-kii bishii March ayaa ugu dambaysay in ay laba kooxood bar-baro ku kala baxaan horyaalka premier Leage.

Xog kale oo cajiib ah ayaa sheegaysa in 17% ay bar-baro ku dhamaadeen dhamaan kulamadii horyaalka premier League ee ilaa haatan la ciyaaray, Arintaas ayaa ka yar bar-barihii laga galay heerka sare ee horyaalka sanadkii 1904/1905 114 sano ka hor.

Si kasta ha ahaatee taageerayaasha kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa kulanka kulanka xiga isugu ducaynayay in ay kooxda kale bar-baro gasho ama laga badiyo si ay dhibco u badiyaan.

Haatan horyaalka ayaa maraya meel xasaasi ah iyada oo lagu jiro todobaadyadii ugu dambeeyay bar-baro ay koox gashana sabab u noqon karto in ay lumiso boos muhiim u ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.