XOG: Kooxda Man United Oo Suuqa Galisay Lacag Ka Badan Mida Ajax Tan Ilaa Finalkii Europa League Hadana Ajax Oo Gaadhay Semi-finalka Tartanka Champions Leageu

Kooxda Ajax ayaa cashar u dhigtay Man United dhanka suuqa tan ilaa markii ay Red Devils Europa League ka qaaday kooxda reer Holland 2 sano ka hor.

Boorsa weynta Man United ayaa suuqa galisay lacag dhan 175 milyan euro tan ilaa 2017 iyada oo kula soo wareegtay xiddigaha Romelu Lukaku (£75m) & Fred (£50m).

Kooxda Ajax ayaa dhankeeda faa,iiday 83 milyan oo euro kadib markii ay lacago waaweyn ku iibisay xiddigaha Sanchez (£42m), Davy Klaassen (23.6m) Iyo Xiddiga Frankie De Jong (£65m).

Taas ayaa la macno ah in kala sareeyaan faa,iido 258 Milyan ah labada kooxood ee isagu yimid finalka Europa league ee sanadkii 2017.

Inkasta oo ayna lacag badan suuqa galin hadan kooxda reer Holland ayaa si cajiib ah isaga xaadirisay Semi-finalka champions League kadib markii ay garaacday kooxda Juventus.

United ayaa dhankeeda 4/0 labada lugood ah looga reebay tartanka kadib markii ay barcelona kabadaha la dulmartay.

Tababaraha Kooxda Ole Gunner Solskjaer ayaa haatan kooxda dib u dhis ku samayn doona isaga oo wax ka bartay qaabka suuqa loo galo kooxda reer Holland ee Ajax

 Not including free transfers or swap deals

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.