WARBIXIN: Saddex Arimood Oo Paul Pogba Ku Sii Dhawaynaya Ku Biirista Real Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa si weyn u doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba kaas oo ay doonayaan adeegiisa marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaagu.

Majalada France Football ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United iyo xulka qaranka France si aad ah ugu sii dhawaanayso ku biirista kooxda Real Madrid xagaaga.

Majalada ayaa shaaca ka qaaday saddex arimood oo Paul Pogba ku dhawanaya in uu ku biiro kooxda Real Madrid oo uu xitaa isaga laftiisu qirtay in ay riyo u tahay u ciyaarista kooxda Los Blancos.

Arinta ugu horaysa ayaa ah qanacsanaanta uu tababare Zinedine Zidane ku qanacsan yahay awooda xiddiga reer France iyo waliba amaanta awoodiisa in uu isku dheeli tiri karo weerarka iyo difaaca kooxda.

Arinta 2-aad ayaa ah in shaqo ka caydhintii Jose Mourinho ay si weyn xiddiga uga caawisay in uu dib u helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee cajiib ah ahaa laakiin qaab ciyaareedka xiddiga reer France ayaa dib u dhacay taas oo shaki weyn galinaysa mustaqbalkiisa Old Trafford.

Majalada ayaa arinta saddexaad ku sheegtay in uu Paul Pogba maamulka Man United ku war galiyay in uuna heshiis cusub u saxiixi doonin taas oo keentay in ay Man United xiddiga ku darto Liiska xiddigaha ay doonayso in ay iibiso dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee reer France ee 25 jirka ah ayaa kooxda Man United kula jira heshiis dhici doona ilaa xagaaga 2021 kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.