WARBIXIN: Real Madrid Oo Badalka Thibaut Courtois Ka Doonaysa Isla Kooxda Chelsea, Waa Goolhaye Horay Loola Xiriirinayay

Kooxda Real Madrid ayaa u muuqata qaar suuq ka samaystay kooxda chelsea kuwaas oo xagaagii hore kala wareegay Goolhaye Thibaut Courtois haatan ku dhaw in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Eden Hazard.

Laakiin Real Madrid ayaa u muuqata mid aan halkaas uga hadhi doonin kooxda chelsea iyaga oo haatan dareenkooda u jeediyay saxiixa Goolhayaha chelsea ee Kepa Arrizabalaga kadib markii ay isaga hadheen saxiixa David De Gea.

24 jirka reer Spain ayaa ku soo biiray chelsea xagaagii isaga oo noqday goolhayaha ugu qaalisan suuqa kala iibsiga haatana Stamford Bridge ku qaadanay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Real Madrid ayaa chelsea kala soo saxiixatay Thibaut Courtois laakiin Goolhayaha reer Belguim ayaa ku fashilmay in uu la qabsado Los Blancos Zidane ayaana doonaya in uu goolhaye kale keeno kooxda sida laga soo xigtay Teamtalk.

Goolhaye Thibaut Courtois ayaan ciyaarin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee uu Zidane kooxda hogaaminayay sabab la xidhiidha dhaawac aan la garanayn ilaa haatan.

Bartilmaameedka wakhtiga dheer ee De Gea ahna goolhayaha Man United ayay isaga hadhay kadib markii ay Man United dalbatay 100 milyan oo euro sidoo kale Goolhayuhu dalbaday lacag dhan 400 kun oo Gini todobaadkii mushahar dhan.

Goolhaye Kepa ayaa si aad ah looga qiimeeyaa dalka Spain inkasta oo uuna qaadanayn xilli ciyaareed fiican Waxana ay Real Madrid doonaysaa adeegiisa marka la gaadho suuqa xagaaga.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.