Solskjaer: Waxa Aan Qorshe Cajiib Ah U Dajisanay Kulanka Barcelona.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu qorshe u dagsaday kulanka ay u safri doonaan Catalonia kulan ka tirsan lugta 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Kooxda Man United ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Barcelona lugtii 1-aad kadib markii uu si khaldan goolka isaga dhaliyay daafaca Man United ee Luke Shaw.

“Waxa aan xiddigo nasiyay Sabtidii si ay diyaar ugu ahaadaan Salaasada, laakiin waxa aan haysanaa qorshe cajiib ah”ayuy Ole Gunnar Solskjaer yidhi.

“Waxan rajaynayaa in uu fiicanyahay, waxa jira xiddigo tayo leh oo jooga Barcelona kuwaas oo khatar nagu ah”.

“Waxa aan lafteenu halis ku nahay goolka kooxda kale, wixii aan qabanay kulankii PSG waa in uu qof walba kalsooni siiyaa in aanu garaaci karno”.

“Taas ayaa ahayd Khibradii ugu fiicnayd ee aanu helnay sanadihii ugu dambeeyay, waxana aan ku riyoonaynaa in aan shaqadaas oo kale qabano kulanka Camp Nou”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.