Real Madrid Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Xiddig Lala Xiriirinayo Kooxaha Reer Manchester, Premier League Ayuu Joogaa

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid si lama filaan ah xiriir ula samaysay qoyska xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda West Ham iyo xulka qaranka England ee Declan Rice.

Xiddigii hore ee kooxda West Ham ee Scott Minto ayaa sheegaya in ay Kooxda reer Spain bartilmaameed ka dhigatay xiddiga reer England si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe.

Rice ayaa lala xiriirinayay kooxaha Man United iyo Man City kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo qaatay xilli ciyaareedkan haatan dhamaadka sii ah.

Minto oo si fiican ugu xidhan Spain ayaa Sky Sport u seegay in ay kooxda Real Madrid doonayso adeega xiddiga khadka dhexe ee da,yarka ah.

Waxa la Rumaysan yahay in ay Real Madrid ahaatanba isku diyaarinayso in ay dalab 60 Milyan oo euro ah miiska u saarto xiddiga si ay u hesho adeegiisa dhamaadka xili ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa si weyn loo filayaa in ay is badal weyn ku samayso kooxda iyada oo si weyn loola xiriirinayo xiddigo kala duwan oo reer yurub ah.

Rice ayaa soo jiitay indhaha kooxaha reer Yurub kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan xilli ay kooxaha reer Manchester ku dagaalamayeen adeegiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.