RASMI: Ole Gunnar Solskjaer Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Barcelona & Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Ku Soo Laabtay

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono Barcelona xilli ay u duleen Barcelona ka hor kulanka lugta 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Xiddigaha Alexis Sanchez iyo Nemanja Matic ayaa ku soo baxay Liiska xiddigaha Man United ee u duulay Barcelona salaasadana la ciyaari doona kooxda Barcelona kulan champions league.

Sanchez ayaa ka soo kacay dhaawac jilibka ah oo uu koxda kaga maqnaa tan ilaa 2 bishii March laakiin haatan waxa uu ku soo bilaaban karaa kulanka Camp Nou.

Matic ayaan dhankiisa ciyaarin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee Man United laakiin 30 jirka ayaa xiddigaha intooda kale ula safray Barcelona saaka oo Isniin ah.

Luke Shaw ayaa ganaax ku seegi doona kulanka Barcelona kadib markii uu kaadhkii 2-aad ee digniinta qaatay laakiin waxa uu xiddigaha u raacay Barcelona ka hor kulanka.

Laakiin xiddiga khadka dhexe ee Ander Herrera oo sidoo kale seegay kulankii West Ham ayaan ku jirin liiska xiddigaha Man United ee ka qayb qaadan doona kulanka Salaasada.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha Man United ee u safray magaalada Barcelona:

De Gea, Romero, Grant, Dalot, Darmian, Young, Jones, Lindelof, Rojo, Smalling, Shaw, Fred, Matic, McTominay, Pereira, Pogba, Lingard, Mata, Martial, Sanchez, Lukaku, Rashford.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.