Napoli Oo Ugu Dambayn Man United Ku War Galisay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Kalidou Koulibaly

Kooxda Man United ayaa ugu dambayn loo sheegay halka wado ee ay ku heli karto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly hadii ay doonayaan adeegiisa marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Man United ayaa u baahan daafac cusub marka la gaadho suuqa xagaaga si ay ugu xoojiso daafaceeda laakiin waxa ay u baahantahay in ay u jabiso rikoodhka suuqa kala iibsiga daafaca hadii ay doonayso.

Napoli ayaa Man United u sheegtay in ay 110 milyan oo euro ku qaadan doonto in ay ka fikirto in ay dhamaadka xilli ciyaareedkan fasaxdo daafaca birta ah ee Kalidou Koulibaly.

Suuqii Janaury Kooxda Man United ayaa u maleeyay in ay heshiiska xiddiga ku dhamaystiri karaan lacag dhan 80 Milyan oo euro.

Laakiin Wargayska Express ayaa sheegaya in ayna Napoli fasixi doonin daafaca ilaa ay miiska saarto lacagta ay doonayso ee dhan 110 milyan ee euro.

Kalidou Koulibaly ayaa ka mid ah daafacayda ugu fiican wakhti xaadirkan waxana uu qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Napoli xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.