Mohamed Salah Oo Sharaxay Sababta Uuna Goolkii Uu Ka Dhaliyay Chelsea Ahayn Midka Ugu Fiican Xirfadiisa Ciyaareed

Inta badan goolasha ay meesha fog ka dhaliyaan kulamada waaweyn ayaa ah goolasha ay inta badan xasuusnaadaad waliba ah goolashooda ay ugu jecelyihiin.

Laakiin Mohamed Salah ayaa sheegay goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay chelsea Axadii in uuna ahayn goolkiisii ugu fiicnaa ee uu dhaliyay xitaa aan ka mid ahayn labadii gool ee ugu quruxda badan.

Xiddiga reer Masar ayaa goolkii uu ka dhaliyay Everton sanadkii 2018 u arka goolkiisa ugu fiican intii uu joogay kooxda Liverpool.

Waxa uu ahaa gool ka caawiyay in uu ku guulaysto goolkii ugu quruxda badnaa sanadkii la soo dhaafay ee abaalmarinta FIFA Puskas.

“Waxa aan mar walba dooran doonaan goolkii aan ka dhaliyay Everton” ayuu Mohamed salah u sheegay Sky Sport kadib guushii ay Liverpool ka gaadhay Chelsea.

“Goolkaas ayaa ah midka aan ugu jecelahay sababta oo ah waxa aan dhaliyay kulankaygii ugu horeeyay ee Derby-ga, waxan u malaynayaa in aan isticmaalay wax walba oo fiican, awoodayda iyo waliba farsamo cajiib ah”.

“Waxan u malaynayaa in aan mar walba dooran doono goolkaas in uu ahaa midii ugu fiicnaa, Goolkii Tottenham ee 2-aad ayaa ah mid kale oo khaas ii ah sababta oo ah waxa ay ciyaartu maraysay 90 daqiiqo waxana aan ku jirnay 1/1”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.