Man United Oo Dib U Soo Celisay Xiisihii Ay U Qabtay Saxiixa Xiddig Ay U Aragto Badalka Paul Pogba

Kooxda Man United ayaa ku soo laabatay tartanka loogu jiro saxiixa xidddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic xilli ay suuqa ka raadinayaan badalka Paul Pogba oo lala xiriirinayo kooxda Real Madrid.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa isku diyaarinaya nolol ka dambaysa Paul Pogba kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda kuna biiro kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee Milinkovic-Savic intii lagu jiray suuqii xagaaga laakiin ku fashilantay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga reer Serbia.

Tababarihii hore ee Man United ee Jose Mourinho ayaa xitaa si shaqsi ah u soo daawaday qaab ciyaareedka xiddiga khadka dhexe xilli uu gudanayay waajibaadka xulka qarankiisa Serbia.

Sida laga soo xigtay wargayska Gazzetta dello Sport, Man United ayaa dib u soo cusboonayaysiisay xiisaha xiddiga kooxda Lazio kaas oo ay doonayaan adeegiisa marka la gaadho suuqa xagaaga.

Lazio ayaa ku qiimaynaysay xiddiga 86 milyan oo euro laakiin marka loo eego qaab ciyaareedka liita ee xiddigan United ayaa xiddiga ku heli karta qiimo ka hooseeya miskii hore.

Xiddiga khadka dhexe Milinkovic-Savic ayaa dhaliyay 12 gool xilli ciyaareedkii hore dhaliyay laakiin ilaa haatan kaliya 4 gool ka dhaliyay tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.