Hordhac: Watford Vs Arsenal: Gunners Oo Aan Shabaqeeda ilaashan Kulamada Ay Martida Tahay Premeir league Xilli Ciyaareedkan

Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Watford kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 34-aad kulan ka dhici doona garoonka Vicarage Road.

Arsenal ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay ugu soo laaban lahayd kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier League kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Everton Axadii hore.

Dhanka kale kooxda Watford ayaa isha ku haysa guusheedii labaad oo xiriir ah oo ay Gunners kaga gaadho garoonka Vicarage Road horyaalka premier Legaue.

Kulanka: Watford Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: Vicarage Road

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Troy Deeney ayaa noqon kara kaliya xiddiga 3-aad ee taariikhda premier League dhaliya 10 gool iyo wax ka badan kooxda Watford isaga oo ka dambayn doona xiddigaha Luther Blissett & John Barnes.

Arsenal ayaan wali shabaqeeda ilaashan kulan premier League oo ay marti tahay xilli ciyaareedkan markii ugu dambeeyay ee ay Arsenal rikoodhkaas oo akle dhigto ayaa ahayd intii u dhexaysay April 1984 ilaa February 1985 Markaas oo ay 16 kulan ku fashilmeen in ay shabaqooda ilaashadaan.

Watford ayaa laga badiyay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Arsenal ku marti galisay garoonkeeda laakiin Watford ayaa xilli ciyaareedkii hore 2/1 ku garaacday Arsenal.

Arsenal ayaa badisay 7 ka mid ah 8-dii kulan ee gu dambeeyay ee ay ciyaartay Habeenimo Isniin ah iyada oo kaliya laga badiyay kulan dhacay April 2017 iyaga oo guuldaro kala kulmay Crystal Palace.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.