Hordhac: Leganes Vs Real Madrid: Los Blancos Oo Ka Gacan Saraysa Leganes

Kooxda Real Madrid ayaa u safrid doonta Leganes kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkii 32-aad iyaga oo isha ku haya in ay helaan 3-da dhibcood ee ciyaarta si ay cadaadiska ugu hayaan kooxaha Atletico Madrid iyo Barcelona.

Kooxda Zidane ayaa kulanka galaysa iyaga oo 14 dhibcood ka dambeeya kooxda hogaanka u haysa premier League ee Barcelona laakiin waxa ay ku dhawyihiin kooxda Atletico Madrid kuwaas oo ku jira kaalinta 2-aad/

Zidane ayaa guul la gaadhay kooxdiisa laba kulan halka uu mid kale guuldaro kala kulmay 3-dii kulan ee uu hogaamiyay tan ilaa markii uu kooxda ku soo laabtay.

Kulanka: Leganes Vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: Estadio Municipal de Butarque.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Leganes ayaan wax guuldaro ah la kulmin 3-diii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo ku raaxaysanaya xilli ciyaareedkoodii ugu fiicnaa kaalinta 12-aadna kaga jiraan horyaalka.

Kooxda Leganes ayaa guul 1/0 ah ka soo gaadhay kooxda Real Madrid kulankii Copa del Rey ka hor inta ayna Real Madrid 3/1 kaga badin kooxda Sidaasna ugu bixin wareega xiga.

Real Madrid ayaa badisay dhamaan 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Leganes waxana ay ku kalsoonaan doonaan in ay guul ka gaadhaan kooxdaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.