ESPN: Barcelona Oo Ku Guulaysatay Saxiixa Matthijs de Ligt

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis la gaadhay kooxda Ajax si ay u helaan saxiixa daafaca reer Holland ee Matthijs de Ligt marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska ESPN ayaa la xiriiray ilo wareedyo kooxda Barcelona kuwaas oo u xaqiijiyay in la dhamaystiray heshiiska uu daafacu ugu soo biiri doono kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa xiddiga ka bixin doonta lacag dhan 8 milyan oo euro isaga oo noqon doona daafaca ugu qaalisan taariikhda kubada cagta rikoodhkana ka jabin doona daafaca Liverpool ee Virgil Van Djik.

Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona lacagta ay xiddiga ku bixin doonto iibinta xiddigo kooxda 1-aad ah si ay miiska u saaraan lacagta lagu helayo daafaca da,yarka ah.

Matthijs de Ligt ayaa xiiso ka helaya kooxo waaweyn oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya adeegiisa kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Laakiin Barcelona ayaa u muuqata mid ku guulaysatay adeegiisa isaga oo Camp Nou ka soo dagi doona dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.