CAJIIB: Mohamed Salah Oo Ka Mid Noqday 100-Ka Shaqsi Ee Ugu Saamaynta Badan Adduunka Sanadkan, Donald Trump & Dadka Oo Caan Ah Ayuu Kala Soo Muuqday

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku soo baxay 100-Ka Shaqsi ee ugu saamaynta badan ee adduunka sanadkan lagu jiro ee 2019.

Mohamed Salah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib isaga oo Reds ku hogaamiyay hogaanka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo 2 dhibcood ka horeeya kooxda Man City.

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa dhaliyay gool cajiib ah ka dhaliyay kooxdiisii hore ee Chelsea kulankii Axadii ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier League.

Wargayska The Sun ayaa soo saaray Liiska 100-ka Shaqsi ee ugu saamayn badan adduunka sanadka 2019 isaga oo kala soo muuqday dad badan oo caanka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka America ee Donald Trump.

Salah ayaa sidoo kale Kala soo muuqday Liiska Atariishada caanka ah ee Filim-ka Caanka ah ee Game Of Thrones ee Emillia Clarke iyo waliba dad badan oo adduunka ka caan ah.

Mohamed salah ayaa isku diyaarinaya kulanka muhiimka ah ee ay kooxda Liverpool caawa la ciyaari doonto kooxda Fc Porto kana tirsan 8 dhamaadka tartanka champions League.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka 100-ka Shaqsi Ee Ugu Saamaynta Badan Adduunka:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.