Borussia Dortmund Oo War Cad Ka Siisay United Xiisaha Ay U Qabaan Da`yarka Jadon Sancho .

Agaasimaha fulinta kooxda Borussia Dortmund ee Hans-Joachim Watzke ayaa hawada ku laalay rajadii Man United ee ku aadaneyd in ay xagaaga ay helaan saxiixa da`yarka kooxdaas ee Jadon Sancho .

United ayaa laacibkaas ku darstay qorshayaasheea ugu weyn ee xagaaga waxa ayna damacsanaayeen in dalab rasmi ah ka geeyaan dhawaan .

Laacibkaas 19 sano jirka reer Ingiriiska ayaa horay uga ciyaaray horyaalka Ingiriiska ka hor inta sanadkii 2017-ka u wareegin kooxda reer Jarmal .

Agaasimahaas ayaa ka sheegay wargeyska Metro ” Dortmund ma iibineyso Jadon Sancho , waa arin dhab ah “.

” Arintaan waxaan ka wada hadalnay dhamaan maamulka kooxda sidaa darteed Jadon Sancho waxa uu xilli ciyaareedka dambe baaqi ku sii ahaanayaa kooxda”.

Hans-Joachim Watzke oo wax laga weydiiyay in United ay la soo xariireen si laacibkaas looga iibiyo ayuu yiir” arintaas ma xiiseynayo kaliya waxaan aan ognahay ayaa ah in laacibka xilli ciyaareedka dambe u ciyaarayo Dortmund”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.