Arintan Cadayn Ma U Tahay In Ay Man City Caawa Ka Hadhi Doonto Champions League

Kooxda Man City ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Tottenham kulan ka tirsan lugta 2-aad ee 8 dhamaadka tartank champions league kana dhici doona Etihad.

Man City ayaa u baahan in ay gaadho guul 1/0 ah si ay ciyaarta u barayso kadib markii ay guuldaro kala kulantay Tottenhenham lugtii 1-aad ee tartanka champions League.

Dhanka kale Man City ayaa si toos ah ugu soo baxda guul kasta oo ka badan 1/0 iyaga uu u baahan in ay iska ilaaliyaan in laga dhaliyo goolal hadii ay doonayaan in ay u soo baxaan wareega Semi-finalka.

Laakiin Kooxda Man City ayaa haatanba u muuqata qaar ka hadi doona tartanka champions League xilli ciyaareedkan kulanka caawa ay la ciyaari doonaan kooxda Tottenham kana dhici doona garoonka Etihad.

Xiddiga kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa la kulmay Fanaanka reer Canada ee Drake kaas oo wakhtigii ugu dambeeyay nasiib xumo ku ahaa kooxaha kubada cagta.

Fanaankan ayaa xiddig kasta oo uu sawri la galo kooxdiisu guuldaro la kulmaysay taas oo ay ku dhacday kooxo waaweyn oo reer yurub ah wakhtigii ugu dambeeyay.

Drake ayaa la kulmay xiddigo u ciyaara kooxaha PSG, Man United, Arsenal iyo waliba Man City lugii hore ee tartanka champions League kuwaas oo dhamaan kooxohoodu guuldarooyin la kulmeen.

Markan fanaanka Drake ayaa sawir la galay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Kevin De Bruyne kaas oo la sugi doono waxa ay noqoto natiijada caawa ee kulanka Tottenham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.