Xulka Italy Oo Guul Ku Bilowday Is Reeb-Reebka Euro 2020 & Spain Oo Dirqi Ku Dhaaftay Norway

Xulka Qaranka Italy ayaa guul fudud oo ay ka gaadheen xulka Finland ku bilowday is reeb-reebka Euro 2020 kulan ka dhacay Italy.

Italy ayaa isha ku haya in ay ku soo laabtaan tartamada waaweyn kadib markii ay seegeen koobkii adduunka ee sanadkii hore lagu qabtay Russia.

Sidaas xulka Italy ayaa ku bilowday si cajiib ah iyaga oo qaadayay weeraro waliba maamulayay kulanka dhan walibana kaga awood badnaa xulka Finland.

Xulka Italy ayaa daqiiqadii 7-aadba hogaanka u qabtay ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Nicolo Barella kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Italy ayaa dhalin karay goolal intaas ka badan marka loo eego fursadihii ay samaynayeen laakiin waxa u suurgali wayday in ay shabaqo soo taabtaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka Italy ku hogaaminayay 1/0 waliba dhalin karay goolal intaas ka badan.

Xulka Italy ayaa sii dheeryastay hogaanka ciyaarta daqiqiadii 74-aad iyaga oo uu goolka 2-aad u dhaliyay xiddiga garabka uga ciyaara ee Moise Kean kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka qaranka Italy si fiican ku bilowday is reeb-reebka koobka Euro 2020.

Dhanka kale xulka qaranka Spain ayaa dhankiisa guul ku bilowday is reeb-reebka Euro 2020 kadib guul dirqi ah oo ay ka gaadheen xulka Norway.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Rodrigo Iyo Sergio Ramos ayaa xulka Spain ku hogaamiyay guul 2/1 ah oo ay ku garaaceen xulka Norway oo iska caabin sameeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.