Xulalka England & France Oo Guulo Ku Bilowday Is Reeb-Reebka Euro 2020 & Portugal Oo Bar-Baro Lagu Qabtay

Xulka qaranka England ayaa guul ku furtay is reeb-reeb-ka Euro 2020 kulan ka dhacay garoonka Wembley iyaga oo garaacay xulka Czech Republic.

Xulka England ayaa ku bilowday si cajiib ah iyaga oo qaadayay weeraro waliba si gaar ah u maamulayay ciyaarta bilowgeediiba.

Saaxiibada Harry Kane ayaa ciyaarta hogaanka u qabtay daqiiqadii 24-aad iyaga oo uu goolka 1-aad u dhaliyay xiddiga Raheem Sterling kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Ka Hor Intii ayna dhmaan qaybtii hore ee ciyaarta ayuu xulka England sii dheeraystay hogaanka iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga ahna kabtankooda Harry Kane.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka England si qurux badan hogaanka ugu hayo waliba dhalin karay goolal kale.

Qaybtii dambe ayuu xulka England ku bilowdeen si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolal badan oo ay wakhti hore ku dilaan ciyaarta.

Daqiiqadii 62-aad ayuu Raheem Sterling mar kale dhaliyay gool isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0 uu xulka qaranka England ku hogaaminayo ciyaarta.

Isla Raheem Sterling ayaa daqiiqadii 69-aad soo laabtay oo dhaliyay goolkiisii 3-aad ee ciyaarta iyo goolkii 4-aad ee xulka qarankiisa.

Xulka Czech Republic ayaa markan si khalad ah isaga dhaliyay gool daqiiqadii 84-aad iyaga oo xiddiga Tomas Kalas gool iska dhaliyay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka qaranka England si cajiib ah ku bilowday is reeb-reebka koobka Euro 2020.

Dhanka kale xulka France ayaa dhankiisa si cajiib ah ku bilowday is reeb-reebka kadib goolal ay u kala dhaliyeen xiddigaha Antoine Griezmann, Raphael Varane, Olivier Giroud Iyo Kylian Mbappe Oo guul 4/1 ah ku hogaamiyay.

Xulka Portugal ayaa isagu bar-baro goolal la,aan ah ku bilowday is reeb-reebka koobka Euro 2020x xilli uu Ronaldo ku soo laabtay xulka qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.