XASAASI: Eden Hazard Oo Haatanba Heshiis La Meel Dhigay Real Madrid & Faah-Faahinta Heshiiska Oo La Ogaaday

Xiddiga Kooxda garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa in uu go,aan ka gaadhay mustaqbalkiisa kadib markii uu la xiriiray taabbaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane.

Eden Hazard ayaa kooxda Real Madrid ogolaansho u siiyay in ay u dhaqaaqdo saxiixiisa dhamaadka xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Belguim ayaa la xiriiray tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane kadib markii uu ku soo laabtay Real Madrid sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Zidane ayaa sida iska cad raadinaya in uu isku shaandhayn weyn ku sameeyo kooxdiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu dib ugu dhiso kooxda.

Waxa ay haatan 12 dhibcood ka dambeeyaan kooxda Barcelona horyaalka La Liga halka ay sidoo kale ka hadheen tartamada kale ee Copa del Rey iyo champions League.

Hazard ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba heshiis la gaadhay kooxda Real Madrid isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 14 milyan oo euro.

Waxa kaliya ee haatan hadhay ayaa ah in ay Real Madrid kala hadasho kooxda Chelsea kalana heshiiso qiimaha xiddiga lagu fasaxayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.