WARBIXIN: Neymar, Ibrahimovic, Suarez, Coutinho & Qiimaynta 10 Saxiix Ee Ugu Qaalisan Barcelona

Xaalada Philippe Coutinho ayaa dib u soo celinaysa muranta qaab ciyaareedka xiddigaha ugu qaalisan kooxda Barcelona sanadihii ugu dambeeyay.

Philippe Coutinho ayaa ah xiddiga ugu qaalisan taariikhda Barcelona laakiin ilaa haatan wuu ku fashilmay in uu muujiyo sababta looga soo bixiyay qiimaha waalida.

Taariikhda Barcelona waxa jira xiddigo badan oo noqday xiddigaha ugu qaalisan suuqa Barcelona iyada oo qaarkood is muujiyeen kuwo kalena ku fashilmeen.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa sida ay 10-kii saxiix ee ugu qaalisanaa Barcelona noqdeen.

Philippe Coutinho:

Waa xiddigii ugu dambeeyay ee ugu qaalisanaa Taariikhda Barcelona laakiin muu muujin wixii laga filayay loogana soo bixiyay lacagta badan.

Coutinho ayaa haatan jooga Barcelona muddo sanad ah laakiin ilaa haatan muu samayn wax lagu aqoonsan karo.

Qaab ciyaareedkiisa niyad jab leh ayaa Barcelona haatanba ku keenay in ay iska iibiyaan xiddiga dibna uga soo ceshadaan badh lacagtii ay ku soo iibsadeen.

Ousmane Dembele:

Inkasta oo wakhtigiisa Camp Nou ay dhaawacyo hadheeyeen hadana xiddiga ayaa muujiyay awood iyo waliba tayo uu ku badali karo ciyaarta.

Gaar ahaan xilli ciyaareedkan waxa uu soo bandhigayy qaab ciyaareedka ugu muhiimsan kaas oo ku guulaystay qalbiga taageerayaasha.

Neymar:

Waxa uu ahaa xiddigii hogaamin lahaa Barcelona Lionel Messi kadib.

Xiddiga ayaa muujiyay sababtii ay Barcelona uga soo bixisay lacagta badan iyada oo loo keenay badalka mustaqbalka ee Lionel Messi.

Laakiin xiddiga ayaa si lama filaan ah uga tagay kooxda kadib markii uu u samri waayay in uu ku sii jiro hooska Lionel Messi.

Luis Suarez:

Xiddiga reer Urugauy ayaan odhan karnaa waxa uu ka mid yahay weeraryahanadii ugu fiicnaa ee ay la soo saxiixatay Barcelona.

Xiddiga ayaa u muuqda mid haatanba guday lacagtii laga soo bixiyay isaga oo kooxda kula guulaystay kobab badan waliba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Suarez ayaa kooxda barcelona u ciyaaray 273 kulan isaga oo u dhaliyay 172 gool waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Zlatan Ibrahimovic:

Zlatan ayaan ka soo bixin dhankiisa wixii ay taageerayaasha iyo kooxduba ka filayeen kadib markii uu ku soo biiray isaga oo kaliya kooxda sii joogay hal xilli ciyaareed.

Kooxaha Inter iyo Barcelona ayaa isku badashay Samuel Eto’o Iyo Zlatan laakiin xiddiga ayaan ka soo muuqan kooxda inkasta oo uu koobka horyaalka La Liga kula guulaystay.

Malcom:

Xagaagii 2018 xiddiga reer Brazil ayaa ku soo biiray Barcelona kadib markii ay adeegiisa ku garaaceen kooxda Roma daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Lama odhan karo xiddigan wuu ku fashilmay Barcelona sababta oo ah wali muu helin fursad ku filan oo uu ugu ciyaaro kooxda.

Paulinho:

Xiddiga ayaa ku soo biiray Barcelona isaga oo si weyn loogu dhaleeceeyay kooxda go,aanka ay xiddiga ku keentay.

Laakiin Khamaarkii ay samaysay Barcelona ayaa midho dhaliyay kadib markii uu xiddigu dhaliyay goolal badan oo waliba muhiim ah inkasta oo uu khadka dhexe ah.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa si lama filaan ah uga tagay kooxda isaga oo ku laabtay shiinaha, Valverde ayaa doonayay in uu sii haysto Xiddiga Laakiin kooxda ayaa heshay lacag fiican oo ay ka heli karaan xiddiga oo da, noqday.

David Villa:

Xiddiga reer Spain ayaa saddex xilli ciyaareed ku qaatay kooxda Barcelona.

Inkasta oo ay jirtay wakhti uu dagaal adag u galay booskiisa laakiin waxa uu mar walba ku jawaabayay qaab ciyaareed iyo waliba goolal cajiib ah.

Xiddiga ayaa Barcelona ka helay wixii uu doonayay oo ahayd ku guulaysiga tartanka champions League.

xiddiga ayaa Barcelona u ciyaaray 119 kulan waxana uu shabaqa soo taabta 48 jeer.

Marc Overmars:

Waa saxiixii sida weyn ugu fashilmay Barcelona marka laga hadlayo saxiixyada cusub ee kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa xiddiga ka soo bixisay lacagtii ay ka heshay Luis Figo markii uu ku biiray kooxda Real Madrid isaga oo 4 xilli ciyaareed u ciyaaray 141 kulan una dhaliyay 19 gool.

Andre Gomes:

Xiddigan ayaan xitaa u dhawaan in uu muujiyo heerkiisa fiican intii uu joogay kooxda Barcelona inkasta oo uu xiddig cajiib ah ka ahaa kooxda Valencia.

Qaab ciyaareedkiisa xun ayaa xitaa keenay in ay saamayn ku yeelato noloshiisa caadiga ah isaga oo ka cabsi qabay in uu xitaa dibada u boxo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.