UEFA Oo Dacwad Ku Soo Oogtay Neymar & Man United Oo Sabab U Ah

Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa dacwad ku soo oogay xiddiga kooxda PSG ee Neymar kadib markii uu xiddiga reer Brazil si cadho leh uga fal celiyay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Man United ugana hadheen tartanka champions League.

Neymar ayaa dhaleeceeyay qaab ciyaareedka garsoore Damir Skomina kadib markii uu rikoodhe ku abaalmariyay Man United daqiiqadihii ugu dambeeyay kaas oo ka caawiyay United in ay u gudbeen wareega xiga.

“Waa Sharaf dhac”ayuu Neymar ku qoray Instagram isaga oo sii raaciyay sawirka daafaca Presnel Kimpembe kaas oo rikoodhada galay.

“Sidee ayuu Presnel Kimpembe gacantiisa dhanka dambe u isticmaalay si uu kubada ugu taabto”.

“Ah Fu**k Off”ayuu sii raaciyay.

UEFA ayaa haatan baadhitaan edbin ah ku furtay Neymar kadib hadaladii Anshax xuamada ahaa iyo waliba garsoorihii uu ka hadlay”.

Waxa arintan la dhaqmi doona Qaybta Anashaxa ee UEFA taas oo aan wali la xaqiijin wakhtiga ay go,aanka ka soo saari doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.