Taageerayaasha Arsenal Oo Go,aansaday Xiddiga Ay Doonayaan In Ay U Doortaan Midka Ugu Fiican Xilli Ciyaareedkan Kooxdooda

Taageerayaasha Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba doorteen xiddiga ay doonayaan in ay ugu codeeyaan xiddiga ugu fiican kooxdooda xilli ciyaareedkan.

Xilli ciyaareedkan ayaa ku dhaw dhamaad iyada oo ay koox walba isku diyaarinayso xaflada lagu dooran doono xiddiga ugu fiican kooxdooda.

Taageerayaasha Arsenal ayaa ka fiirsanaya in ay xiddiga khadka dhexe ee Granit Xhaka u doortaan xiddiga ugu fiican kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan.

Taageerayaasha Gunners ayaan marna go,aansan waxa ka aaminsan yihiin xiddiga Xhaka tan ilaa markii uu kooxda kaga soo biiray Borussia Monchengladbach 2016.

Laakiin haatan waa dookha 1-aad oo taageerayaal badan oo Guuners ah kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo qaatay xilli ciyaareedkna.

26 jirkan ayaa kaliya seegay 5 kulan oo premier League ah xilli ciyaareedkan isaga oo xitaa kabtan u noqday kooxda 4 kulan.

Kadib 4 gool oo uu dhaliyay waliba 3 ka mid ah muhiim ahaayeen iyo waliba awoodiisa uu kaga ciyaari karo daafaca bidix iyo waliba daafaca dhexe marka loo eegto ayaa muujisay awooda Xhaka.

Sidaas Taageerayaasha Arsenal ayaa doonaya in ay isaga u doortaan xiddiga ugu fiican Arsenal xilli ciyaareedkan.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.