Romario: Waan Jecelahay Messi Laakiin Cristiano Ronaldo Ayaa Ka Mid Ah 5-ta Xiddig Ee Ugu Fiican Adduunka.

Lionel Messi ayaa ugu dambayn ku soo laabtay xulka qarankiisa Argentine kulankii ay guuldarada 3/1 ah kala kulmeen xulka qaranka Venezuela.

Si kasta ha ahaatee Romario ayaa sheegay inkasta oo uu jecelyahay xiddiga kooxda Barcelona hadana Cristiano Ronaldo ka mid yahay 5-ta xiddig ee ugu fiican taariikhda kubada cagta.

Ronaldo ayaa qaab niyad jab leh ku bilowday ku soo laabashadiisa xulka qaranka kadib markii uu xulkiisa Portugal ka caawin waayay in ay dhaafaan xulka Ukraine kadib bar-baro 0/0 ah oo ay ku kala bexeen.

“Waan Jecelahay Messi, Waa xiddig weyn laakiin waa in aan sidoo kale yidhaahdo in uu Cristiano Ronaldo ka mid yahay 5-ta xiddig ee ugu fiican taariikhda kubada cagta”ayuu Romario u sheegay Fox Sport.

“Hadii aan dooran lahaa xiddig aan ka garab ciyaaro waxa aan dooran lahaa Messi waa xiddig leh tayo haybad ku timid Laakiin waxa hadii aan dooran lahaa xiddig aan daawado waxa aan daawan lahaa Cristiano”.

Labada xiddig ee Ronaldo iyo Messi ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka sanadihii ugu dambeeyay iyaga oo ku guulaystay abaalmarin kasta oo shaqsi ah.

Sidoo kale labada xiddig ayaa kooxohooda kula guulaystay koobab badan waliba door muhiim ah ku lahaa ku guulaysiga koobabkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.