Robbie Savage Oo Doortay Shaxdiisa Ugu Fiican premier League Xilli Ciyaareedkan

Awoodii Liverpool ee Xilli ciyaareedkii hore ayaa ahayd saddexda xiddig ee weerarka uga ciyaara Lakiin Sanadkan waxa ay iska dhiseen dhanka dambe ee daafaca.

Khabiirka Robbie Savage ayaa doortay shaxdiisa ugu fiican ilaa haatan horyaalka premier Leageu xilli ciyaareedkan.

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson ayaa 17 kulan ilaashaday shabaqiisa xilli ciyaareedkan waxana uu noqday dookha 1-aad ee goolka ee khabiirka Robbie Savage.

Daafaca ayuu doortay 3 xiddig oo Liverpool ah kuwaas oo kala ah Alexander-Arnold, Van Djijk iyo Robertons halka uu xiddiga 4-aad yahay xiddiga kooxda Tottenham ee Vertonghen.

Khadka dhexe ayuu wada doortay xiddigaha Pogba iyo Fernandinho halka uu khadka dhexe ee weerarka doortay xiddigaha Son, Bernardo Silva iyo Sterling.

Weerarka ayuu Robbie Savage doortay xiddiga kooxda Man City ahna hogaamiyaha horyaalka prenmier League ee Sergio Aguero.

Savage ayaa tababaraha xilli ciyaareedka ugu fiican u doortay tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola kaas oo kooxdiisa ka caawiyay in ay ilaa haatan u tartanto 4 koob.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.