RASMI: Kooxaha Juventus, Milan, Inter & Roma Oo Ka Qayb Qaadan Doona Tartanka International Champions Cup

Kooxaha Juventus, Milan, Inter & Roma ayaa ka qayb gali doona tartanka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee 2019 International Champions Cup.

Tartanka oo ah isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ayay ka qayb galaan kooxo badan oo adduunka oo dhan ah iyada oo ay kooxuhu isugu diyaariyaan xilli ciyaareedka cusub.

Kooxaha Sanadkan ka matali Doona Serie A-da ayaa kala ah Juventus, Milan, Inter & Roma kuwaas oo isugu diyaarin doona xilli ciyaareedka cusub.

Sidoo kale waxa tartanka ka qayb qaadan doona kooxaha Benfica, Manchester United, Bayern Munich, Arsenal, Tottenham Hotspur, Atletico Madrid, Real Madrid & Chivas De Guadalajara.

Isku aadka kulamada ayaan wali la samayn halka aan sidoo kale la xaqiijin wadamada lagu kala qaban doono tartanka.

Tartanka ayaa sanadba sanadka ka dambeeya yeesha xiiso gaar ah maadama ay kooxuhu ku dagaalamayaan ku guulaysiga koobka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.