RASMI: Bayern Munich Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Daafaca Atletico Madrid Ee Lucas Hernandez.

Kooxda Bayern Munich ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka France ee Lucas Hernandez.

Bayern Munich ayaa xaqiijisay in xiddiga xulka France kula guulaystay koobka adduunku ku soo biiri doono kooxda xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda reer Germany ayaa bixisay lacagta lagu bur-burinayay heshiiska uu 23 jirkan kula jiray Atletico Madrid oo ahayd lacag dhan 80 Milyan oo euro.

Lucas Hernandez ayaa ka ciyaari kara daafaca dhexe iyo waliba daafac garabka bidix waxana uu Atletico Madrud u ciyaaray 22 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Xiddiga ayaa ku dhawaaday in uu ku biiro Bayern Munich suuqii January laakiin heshiiska ayaan dhicin sabab la xidhiidha in ay Atletico diiday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.