Neymar Oo Ay Ka Go,antahay In Uu Ku Biiro Real Madrid

Xiddiga koxda PSG ee Neymar ayay ka go,antahay in uu isaga tago kooxda PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Waxa aan sir ahayn in ay kooxda Real Madrid doonayso saxiixa xiddiga reer Brazil si ay ugu raali galiyaan tababare Zinedine Zidane oo kooxda ku soo laabtay.

Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Pérez ayaa ku riyoonaya la soo saxiixashada xiddiga Neymar gaar ahaan in uu Xiddigu doonayo in uu isaga tago kooxda PSG.

Xiddiga reer Brazil ayaa doonaya in uu ku biiro Real Madrid si uu ugu guulaysto tartanka champions League kadib markii ay PSG ka hadhay tartanka xilli ciyaareedkan.

Neymar ayaa ka tagay kooxda Barcelona xagaagii 2017 isaga oo noqday xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga isaga oo PSG ugu biiray lacag dhan 222 milyan oo euro.

Xiddiga ayaa tan ilaa markii uu ka tagay Barcelona doonayay in uu ku soo laabto horyaalka La Liga iyadalala xriirinayay kooxda Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.