NASASHADA KOOXDA: Qisada Ka Dambaysa Magaca Saddexda Libaax Ee Xulka Qaranka England

england77

Xulka qaranka England heerarkiisa kala duwan ayaa xidha maaliyado kala nooc ah laakiin dhamaantood ka siman saddex libaax oo ku sawiran calaamada xulka qaranka.

Hadaba waa Maxay Sirta ka dambaysa saddexdaas Libaax iyo waliba sababta xulka qaranka England loogu magacaabo xulka Saddexlda Libaax.

Sababta ayaa ah in uu xulka qaranka England xidho maaliyad ay ku sawiran yihiin saddex libaax taas oo ah calaamadooda u gaarka ah.

Hadaba waa Baxay sirta ka dambaysa ee loogu sawiray maaliyada saddexda libaax.

Kulankii ugu horeeyay ee uu xulka England ciyaaray iyaga oo xidhan maaliyada ay ku sawiran tahay saddexda Libaax waxa uu ahaa kulan uu la ciyaaray xulka qaranka Scotland sanadkii 1872-kii wixii intaas ka dambeeyayna waxa uu noqday qayb ka mid ah maaliyada xulka.

Libaaxyada laftooda ayaa ahaa calaamada guud ee England qarnigii 12-aad iyada oo lagu sawiri jiray maaliyad casaan ah iyo saddex libaax iyada oo lagu dhiiri galin jiray ciidankii wakhtigaas.

Libaaxii ugu horeeyay ee lagu sawiray maaliyada xulka England ayaa yidhin wakhtigii boqorka Henry 1 sanadkii 1100 waxana ay calaamadu timid kadib markii uu ka guursaday qoys leh Libaax waxana lagu daray Calaamada iyada oo sidaas ku noqotay 2 libaax.

Sanadkii 1154 waxa lagu daray Libaaxa 3-aad kadib Markii Boqorkii Henry 2 uu ka guursaday qoys leh Libaax waxana sidaas loogu daray calaamada xulka qaranka iyada oo uu sidaas ku noqday saddex Libaax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.