Messi Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Venezuela, Ma Wajihi Doono Qaranka Morocco

Messi ayaa walaac ku abuuray kooxda Barcelona ka dib markii uu ku dhaawacmay kulankii saaxibtinimo ee qaranka Argetinna la ciyaareen Venezuela.

Kulankaas oo loogu diyaar garoobayo Cope America ayay Argentina la kulmeen guul darro 3/1 ah inkastoo hanaan ciyaareed wacan ay soo bandghigeen .

Messi ayaa qaranka Argentina dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka maqnaa tan June sanadkii 2018-da gaar ahaan koobkii aduunka xilligaas oo ay ku hareen wareegga 16-ka waxa uuna xilligaas shaaciyay in uu ka fariistay ciyaaraha heerka caalami .

Messi ayaa dhaawacmay intii ciyaarta socotay balse waa uu dhameystay balse haatan xariirka kubadda cagta Argentina ayaa shaaciyay in laacibka uu seegayo kulanka saaxibtinimo ee ay talaadada la ciyaarayaan Morocco

Ma jiraan faah faahin laga bixiyay nooca dhaawac gaaray laacibka balse waxaa la filayaa in maanta uu maro baaritaan caafimaad si loo ogaado heerka uu gaarsiisan yahay
Balse warar hor dhac ah ayaa sheegaya in laacibka uu gaaray dhaawac muruqa bowdada bidix ah , xariirka Argentian ay tilmaameen in uu seegayo kulanka Morocco

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.