Man United Oo Ugu Dambayn Heli Karta Saxiixa Toni Kroos, Imisa Ayaa Ka Xigta?

Kooxda Man United ayaa ugu dambayn heli karta saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Toni Kroos kaas oo ay muddo dheer ku raad joogtay adeegiisa.

Man United ayaa xiddiga khadka dhexe ku heli karta lacag aad u jaban iyaga oo ku heli kara 50 milyan oo euro marka la gaadho suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ogolaaday in uu ku biiro Red Devils xagaagii 2013 ka hor inta ayna Real Madrid ka afduuban adeegiisa sanadkii 2014.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man United war fiican ka heshay hawl galkeeda ay ku doonayso saxiixa 29 jirkan.

Kroos ayaa champions League ku guulaystay 3 jeer intii uu joogay Real Madrid isaga oo 27 milyan ugu biiray kooxda ku ciyaarta Bernbue.

Xiddiga ayaa Real Madrid kula jira heshiis ilaa xagaaga 2022 ah laakiin waxa la fahamsan yahay in uu doonayo in uu tartan cusub qaato.

Sidoo kale xiddiga ayaa si cad u qirtay rabitaankiisa ah ka ciyaarista horyaalka premier League inkasta oo uu 5 sano ka hor iska diiday Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.