Liverpool Oo Si Weyn Uga Faa,iiday Fasaxa Xulalka & 5 Xiddig Oo Dib Ugu Soo Laabtay.

Kooxda Liverpool ayaa si weyn uga faa,iiday fasaxa xulalka maalmihii ugu dambeeyay iyada oo ay dib ugu soo laabteen xiddigo badan oo dhaawac uga maqnaa.

Reds ayaa ugu yaraan haysan doonta koox buuxda marka ay ka hor tagi doonaan kooxda Tottenham Axada kulan ka tirsan premier League.

Liverpool ayaa marti galin doonta kulan muhiim ah iyaga oo si aad ah u doonaya in ayna lumin wax dhibco ah si ayna u lumin fursadooda tartanka horyaalka premier League.

Jurgen Klopp ayaa ka wal-walayay xiddigo dhawr ah oo kooxda 1-aad ah kuwaas oo kala ah Joe Gomez, Jordan Henderson, Dejan Lovren, Xherdan Shaqiri iyo waliba Naby Keita.

Laakiin dhaawacyadii ay xiddigaha Keita iyo shaqiri uga hadheen xulalkooda ayaan ahayn mid halis ah waxana la filayaa in ay taam buuxa u noqdaan kulanka Tottenham sida laga soo xigtay Evening Standard.

Sidoo kale Liverpool ayaa si buuxda u helaysa daafacyada dhexe ee Joe Gomez iyo Dejan Lovren kuwaas oo ka soo kabsaday dhaawacyadii ay qabeen.

Gomez ayaan ciyaarin tan ilaa bishii Decmeber sababla xidhiidha lugta oo jabtay laakiin waxa uu diyaar u yahay kulanka Tottenham.

Joel Matip ayaa qbtay shaqo fiican isaga oo si fiican uga garab ciyaaray daafaca Virgil Van Djik iyaga oo si fiican isku fahmay.

Dhanka kale Liverpool Echo ayaa sheegaysa in uu Lovren si aad ah u doonaya in uu ku soo laabto shaxda kooxdiisa kadib markii uu 90 daqiiqo u ciyaaray xulka qarankiisa Croatia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.