Jose Mourinho Oo SHaaca Ka Qaaday Labada Koob Ee Uu Wali Doonayo In Uu Kaga Guulaysto Kubada Cagta.

Tababarihii hore ee kooxda Man United ayaa sheegay in uu ku soo laaban doono shaqada tababaranimo wakhti dhaw.

Jose Mourinho ayaa dhawaan sheegay qorshihiisa ku soo laabashada shaqada kadib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo uu wakhti xun ku qaatay Man United hadana waxa uu aamininsan yahay in uu wali guulo ka gaadhi karo heerarka sare ee kubada cagta.

Waxana uu Jose shaaca ka qaaday laba koob oo uu doonayo in uu ku guulaysto kadib ku soo laabashadiisa shaqada tababaranimo.

Mourinho ayaa sheegay in uu doonayo in uu ku guulaysto horyaal iyo waliba champions League kadib marka uu ku soo laabto shaqada tababaranimo.

“Waxa aan maskaxda ku hayaa in aan ku guulaysto horyaalkii 5-aad iyo waliba champions league cusub”ayuu u sheegay Canal+.

Jose Mourinho ayaa champions League ku soo guulaystay 2004 oo uu kula guulaystay Fc Porto iyo Inter Milan oo uu kula guulaystay 2010 inkasta oo uu ku fashilmay in uu kula guulaysto kooxaha chelsea, Real Madrid iyo man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.