Da,yarka Matthijs de Ligt Oo Sheegay Wakhtiga Uu Go,aanka Ka Gaadhi Doono Mustaqbalkiisa

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax iyo xulka qaranka Holland ee Matthijs de Ligt ayaa shaaciyay wakhtiga uu sida Rasmiga ah go,aanka uga gaadhi doono mustaqbalkiisa.

Da,yarka aadka loo qiimeeyo ayaa ka mid ah xiddigaha sida weyn loogu hadal haynta badan yahay iyada oo lala xiriirinayo kooxo badan oo reer yurub ah.

Kooxaha Barcelona, Juventus, PSG, Liverpool, Man City iyo waliba kooxo kale oo reer yurub ayaa xiiso waali ah u qaba helitaanka saxiixa xiddiga reer Holland.

Kadib guuldaradii xulka qaranka Holland kala kulmay xulka Germany ayuu xiddiga da,yarka ah sheegay wakhtiga uu go,aansan doono mustaqbalkiisa.

Matthijs de Ligt oo la hadlaya saxaafada ayaa yidhi” Mustaqbalkayga waxa aan ka hadli doonaa go,aana ka gaadhi doonaa todobaadka dambe, wali wax go,aan ah kama gaadhin dhankaas”.

Xiddiga ayaa gool u dhaliyay xulka qarankiisa kulankii ay guuldarada kala kulmeen xulka Germany kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Euro 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.