Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Dhaawacii Ka Soo Gaadhay Kulankii Serbia

Xiddiga xulka qaranka Portugal iyo Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay dhaawacii soo gaadhay kulankii uu xulka qaranka Portugal bar-baraha 1/1 ah la galay xulka Serbia kulan ka tirsanaa is reeb-reeb Euro 2020.

Cristiano Ronaldo ayaa qalbiga u tajiyay taageerayaashiisa kadib dhaawacii soo gaadhay kulankii uu Portugal bar-baraha la galay xulka Serbia.

Xulka qaranka Portugal ayaa bar-baro 1/1 ah la galo xulka Serbia kulankii 2-aad ee is reeb-reebka Euro 2020.

Kulanka ayaa la arkay dhaawac soo gaadhay kabtanka xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo iyada oo uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah kadib ciyaarta isaga baxay daqiiqadii 30-aad.

Cristiano oo la hadlaya wargayska Ricardo ayaa yidhi”Anigu ma wal-walsani”.

“Waxa aan aqaanaa jirkayga waxa aan fiicnaan doonaa 2 todobaad”.

“Sida aan sheegay kama wal-walsani dhaawaca way ka dhacdaa kubada cagta waxa aan taam noqon doonaa laba todobaad gudohood”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.