Cristiano Ronaldo Oo Dhaawac Uga Baxay Kulanka Serbia, Siday Wax U Soo Gaadheen?

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa dhaawac uga baxay kulanka uu xulka qarankiisa Portugal la ciyaarayo xulka qaranka Serbia kana tirsan is reeb-reebka koobka Euro 2020.

34 Jirka ayaa ciyaarta ka baxay isaga oo is haya dhanka dambe ee lugta Midig isaga oo u muuqday in uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah.

Ronaldo ayaa dhaawacmay isaga oo daba ordaya kubada iyada oo isla markiiba laga saaray ciyaarta laguna badalay xiddiga Pizzi daqiiqadii 30-aad.

Juventus ayaa wadnaha farta ku hayn doonta iyaga oo ka wal-walsan taam ahaanshaha xiddiga xilli ay ciyaari doonto kulamo muhiim ah oo uu ka mid yahay tartanka champions League oo ay la ciyaari doonaan Ajax.

Juventus ayaa rajaynaysa in uuna dhaawacu noqon mid halis ah maadama uu muhiim ka yahay shaxda kooxda u dagaalamaysa ku guulaysiga champions League.

Dhaawacan ayaa yimid iyada oo Juventus 10 April la ciyaari doonta kooxda Ajax lugta 1-aad ee 8 dhamaadka champions League ka hor inta ayna 6 maalmood kadib ciyaarin lugta 2-aad ee tartan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.