Barcelona Oo Mar Kale Weerar Ku Qaadi Doonta Liverpool & Heshiiska Ay Ka Saxiixan Doonto Xiddiga Reds U Ciyaara Oo La Ogaaday

Kooxda Barcelona ayaa mar kale weerar dhanka suuqa ah ku qaadaysa kooxda Liverpoool muddo hal sano kadib markii ay kala wareegeen xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaw dahay in ay heshiis 2 sano ah ka saxiixato xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Liverpool ee Alberto Moreno sida laga soo xigtay wargayska Sport.

Moreno ayuu heshiiskiisa Anfield dhici doonaa xagaaga waxana si weyn loo filayay in uu ku biiro kooxda Serie A-da ee Lazio kadib markii todobaadkii hore lagu arkay Rome isaga oo la jooga xiddigii hore ee Ay Liverpool u soo wada ciyaareen ee Lucas Leiva.

Laakiin Haatan waxa la sheegayaa in ay Barcelona ku dhawdahay saxiixa xiddiga lagu heli karo sida xorta ah waliba ula saxiixan doonto badalka Jordi Alba.

Moreno oo 26 jir ah ayaa Liverpool kaga soo biiray Sevilla xagaagaii 2014 laakiin ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo.

Xiddiga reer Spain ayaa ka dambeeya xiddiga wacdaraha dhigaya ee Andy Robertson kaas oo haatan ah dookha 1-aad ee Jurgen Klopp.

Xiddiga ayaa kaliya Liverpool u ciyaaray 5 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan iyada oo uu kulankii ugu dambeeyay u ciyaaray bishii January kulankii ay Liverpool ka hadhay tartanka FA Cup-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.