Antoine Griezmann Oo Afka Furtay Kana Hadlay Wararka La Xiriirinaya Barcelona

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka France ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay wararka sida weyn ula xiriirinaya kooxda Barcelona.

Waxa wakhtigii ugu dambeeyay soo baxay warar sheegaya in ay kooxda Barcelona doonayso saxiixa xiddiga reer France kaas oo diyaar u ah in uu isaga tago Atletico Madrid kadib markii ay kooxdu ka hadhay champions League.

Laakiin waxa todobaadkan soo baxay warar sheegaya in ay Barcelona ka hadhay xiisihii Antoine Griezmann iyaga oo bartilmaameedsan kara xiddigo kale.

Antoine Griezmann oo la hadlay wargayska MARCA kadib kulankii ay xulkiisu guusha ka gaadhay Xulka Iceland ayaa yidhi” Waan La Qabsaday wararka ila xiriirinaya Barcelona, marka aan runta ka hadlana waan ka daalay wararkaas, sanadba sanadka ka dambaysa waa isla war kaliya”.

Xiddiga reer France ayaa xagaagii hore iska diiday kooxda Barcelona kadib markii muddo dheer si joogto ah loola xiriirinayay isaga oo heshiis cusub u saxiixay Atletico Madrid.

Antoine Griezmann ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya xulka qarankiisa isaga oo laba gool dhaliyay labadii kulan ee uu u ciyaaray xulka qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.