16 Xiddig Oo Seegi Doona Kulamada Todobaadka Dambe Ee Premier League, Sabab.

Waxa todobaadka dambe bilaaban doona kulamada premier League kadib marka ay dhamaadaan fasaxa xulalka koxaha ayaana bilaabay tababarka isku diyaarinta marka laga reebo xiddigaha ku maqan waajibaadka xulalkooda.

Waxa haatan la ogaaday in ay 16 xiddig oo ka tirsan horyaalka premier League seegi doonaan kulamada premier League todobaadka dambe sabab la xidhiidha waajibaadka xulalkooda.

Xiddigaha seegi doona ayaa ah xiddigaha reer South America kana qayb qaadanaya kulamada is reeb-reebka xulalkooda ee koobka adduunka Qatar 2022.

Kooxaha Liverpool, Man City, Man United, Tottenham, chelsea ayaa ka mid ah kooxaha ay xiddigaha badan ka maqnaan doonaan kulamada Premier League ee todobaada dambe.

Sababta ay xiddigahaas u seegi doonaan ayaa ah in ay Subaxnimada jimcaha u ciyaari doonaan xulalkooda sidaas darteed maalinta sabtida ayna ciyaari karin kulamada kooxohooda.

Halkan Kaga Bogo Liiska xiddigaha ka maqnaan doona kooxaha premier League todobaadka dambe:

– Alison

-Fabinho

– Ederson

-Jesus

– Emerson Royal

– Lou Celso

-Romero

-Davison Sanchez

-Unique

-Cavani

– Douglas Louise

-Martinez

-Meena

-chrone

-Thiago Silva

-Ravenha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*