14 Kooxood Oo U Gudbay Wareega 5-aad Ee FA Cup-ka.

Shan kooxood oo kale ayaa xaqiijistay inay u soo baxeen wareegga shanaad ee FA Cup kadib kulamadii Axadda.

Leeds United ayaa u baahday rigooreyaal si ay uga adkaato Birmingham City.

Ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-1 kadib 120 daqiiqo, iyadoo goolkii furitaanka ee Lukas Nmecha la barbareeyay daqiiqaddii 89aad uu dhaliyay Patrick Roberts.

Wolves ayaa 1-0 kaga adkaatay Grimsby Town, iyadoo goolka guusha uu dhaliyay Santiago Bueno daqiiqaddii 60aad.

Sunderland ayaa 1-0 ku garaacday Oxford United, halka Fulham ay 2-1 kaga adkaatay Stoke City.

Kulankii ugu dambeeyay ee maalinta, Arsenal ayaa 4-0 ku xasuuqday Wigan Athletic garoonka Emirates.

Kooxahan waxay ku biireen Wrexham, Chelsea, Manchester City, West Ham, Newcastle United, Southampton, Mansfield Town, Norwich City iyo Liverpool kuwaas oo horey ugu soo baxay isku aadka wareegga xiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga