Ugu yaraan 10 waddan oo hore uga soo qayb galay Koobka Adduunka ayaan ka muuqan doonin tartanka 2026.
Qaaradda Afrika, waddamada maqnaan doona waxaa ka mid ah Cameroon iyo Nigeria.
Labadan dal ee Galbeedka Afrika ayaa labaduba laga badiyey xulashada Congo DR ciyaarihii isreeb-reebka, iyadoo “Leopards”-ka ay noqdeen xulka 10aad ee Afrika u qalma Koobka Adduunka.
Yurub, waddamada waaweyn ee maqnaan doona waxaa ka mid ah Italy, Denmark iyo Poland, kuwaas oo laga adkaaday kulamadii kama dambaysta ahaa ee play-off-ka.
Boosaskooda waxaa qaatay Bosnia, Czech Republic iyo Sweden.
Qaaradda Koonfurta Ameerika, Chile, Peru iyo Bolivia ayaa gurigooda ka daawan doona tartanka.
Bolivia ayaa ugu dhaweyd inay u soo baxdo, balse waxaa ay guuldaro 2-1 kala Kulantay Iraq kulankii kama dambaysta ahaa ee play-off-ka caalamiga ah.
Shiinaha (Aasiya) iyo Costa Rica (Waqooyiga Ameerika) sidoo kale kama qayb geli doonaan tartanka.
Be the first to comment