10-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Premier League Todobaadkan Oo La Soo Saaray.

Wargayska Daily Mail ayaa soo saartay 10-ka xiddig ee ilaa haatan ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa la galay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka iyada oo ay xiddigo badan ku jiraan qaab ciyaareed cajiib ah kooxdoodana si weyn u caawiyeen.

Bilowgii Todobaadka kooxda Man City ayaa sii wadatay rikoodhkooda cajiibka ah halka ay Liverpool ku soo laabatay qaab ciyaareedkeedii fiicnaa.

Wargayska ayaa xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah u doortay xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedkan ilaa haatan kadib markii uu 15 gool dhaliyay ilaa haatan premier League.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Bukayo Saka ayaa loo doortay xiddiga 2-aad ee ugu fiican kadib qaab ciyaareed fiican oo uu ilaa haatan soo bandhigay.

Xiddiga kooxda Man City ee Ilkay Gundogan oo dhankiisa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan aya kaalinta 3-aad galay.

Halkan Hose Kaga Bogo 10-ka xiddig ee uu wargaysku u aqoonsaday xiddigaha ugu fiican premier League Todobaadkan:

  1. Mohamed Salah
  2. Bukayo Saka
  3. Ilkay Gundogan
  4. Jack Grealish
  5. John Stones
  6. Patrick Bamford
  7. Bruno Fernandes
  8. Eberechi Eze
  9. Tomas Soucek
  10. Callum Wilson

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*