10-ka Xiddig Ee Ugu Dheereeya Premier League Oo La Soo Saaray.

Horyaalka premier League ayay joogaan qaar ka mid ah xiddigaha ugu orodka badan adduunka.

Laakiin in la sii kala doorto xiddiga ugu dheereeya ayaa ah mid aad u adag marka loo eego in ay xiddiguhu ordaan iyaga oo kubada lugta ku haysta taas oo keenta in ayna xiddiguhu soo wada bandhigin orodkooda ugu dheereer.

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Wolves ee Adama Traore ayaa si aad ah loogu tilmaamaa xididga ugu dheereeya laakiin xiddigaas ayaa seegay kaalinta 1-aad.

Xiddiga ugu ordka badan Premier League ayaa noqday xiddiga daafaca uga ciyaara kooxa Man City ee Kyle Walker kaas oo gaadhay orod dhan 23.49mph.

Hadaba Halkan hoose kaga bogo 10-ka xiddig ee ugu orodka badan premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday.

  1. Kyle Walker (Man Ciy) 23.49mph
  2. Adama Traore (Wolves) 23.48mph.
  3. Aaron Wan-Bissaka (Man United) 23.36mph.
  4. Trezeguet (Aston Villa) 23.36mph.
  5. Mason Greenwood (Man United) 23.36mph.
  6. Caglar Soyuncu (Leicester City) 23.33mph
  7. Ainsley Maitland-Niles (Arsenal) 23.27
  8. Shane Long (Southampton) 23.21mph.
  9. Fred (Man United) 23.17mph.
  10. Phil Foden (Man City) 23.7mph.

Sii Akhriso: Itoobiya Oo Ka Digtay Sal Dhiga Militari Ee Ay Masar Ka Doonayso Somaliland, Maxay Tahay Sababtu.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*