10-ka Xiddig Ee Halista Ugu Jira In Ay Seegaan Koobka Adduunka Qatar 2022.

Waxa la gaadhay wakhtigii la isku diyaarinayay koobka adduunka lagu qaban doono dalka Qatar kaas oo ay inaga xigto bil iyo wax yar.

Xiddigaha kala duwan ee adduunka ayaa bilaabaya sidii ay u hubin lahaayeen in ay ka mid ahaan lahaayeen Liiska xiddigaha dalkooda u matalaya bandhiga ugu weyn adduunka.

Xiddigaha ayaa doonaya in ay todobaadyada soo socda soo bandhigaan qaab ciyaareedyo ay ku qancinayaan tababarayaasha xulalkooda si ay uga qayb ahaadaan koobka adduunka.

Laakiin waxa jiri doona shaki la’aan xiddigo seegi doona kuwaas oo laga yaabo in ay ka maqnaadaan koobka adduunka sanadkan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee magaca weyn leh ee seegi kara koobka adduunka soo socda.

  1. Jadon Sancho
  2. Gabriel Jesus
  3. Paul Pogba
  4. Marcus Rashford
  5. Sergio Ramos
  6. Joao Moutinho
  7. Mats Hummels
  8. Thiago Alcantara
  9. Mario Gotze

Kooxda.com ayaa xusaysa in dhamaan xiddigaha kor ku xusan laga reebay in ay xulalkooda u matalaan fasaxa xulalka haatan lagu jiro.