10-ka Xiddig Ee Caawinta Ugu Badan Sameeyay Horyaalka Prmeier League Xilli Ciyaareedkii Dhamaaday.

Waxa xalay la soo Afjaray xilli ciyaareedka ugu dheer taariikhda premier League ee 2019/2020 kadib markii la ciyaaray maalintii ugu dambaysay xilli ciyaareedka.

Maalintii ugu dambaysay ayaa ahayd maalin xiiso leh iyada oo dhamaan 6-da kooxood ee ugu waaweyn guulo gaadheen kuna soo xidheen xilli ciyaareedaka si fiican.

Maalintii ugu dmabaysya horyaalka waxa loo tartamayay abaalmarinta xiddiga caawinta ugu badan sameeyay kaas oo uu meel cidlo ah la maray xiddiga Man City ee Kevin

De Bruyne.

Xiddiga reer Belguim ayaa sameeyay 20 caawin oo horyaalka premier League ah xilli ciyaareedkan isaga oo bar-bareeyay rikoodhkii caawinada horyaalka premier League ee uu dhigay Thiery Henry.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddiga kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold kaas oo sameyay 13 caawin horyaalka Prmeier League xilli ciyaareedkan iyada oo uu u xigay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Andrew Robertson kaas oo caawiyay 12 caawin horyaalka premier League xilli ciyaareedka waxana ku xiga isla xiddiga liverpool ee Mohamed Salah kaas oo caawiyay 10.

Hadaba Halkan hoose kaga bogo 10-kii xiddig ee ugu caawinta badnaa prmeier League xilli ciyaareedkii dhamaaday:

  1. Kevin De Bruyne (Man City) 20 Caawin
  2. Trent Alexander-Arnold (Liverpool) 13
  3. Andrew Robertson (Liverpool) 12
  4. Mohamed Salah (Liverpool) 10
  5. David Silva (Man City) 10
  6. Son Heung-Min (Totttenham) 10
  7. Riyad Mahrez (Man City) 10
  8. Adama Traoré (Wolves) 9
  9. Roberto Firmino (Liverpool 9
  10. Harvey Barnes (Leicester City) 8

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*