10-k Daafac Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Suuqa Kala Iibisga Oo La Soo Saaray.

Daafaca ayaa muhiim ka ah kubada cagta waxana sanadihii ugu dambeeyay lagu kala iibsanayay lacago qaali ah.

Waxa ugu dambeeyay daafacii ay Man United kala soo wareegtay kooxda Ajax ee Lisandro Martinez kaas oo ay ka dhigtay daafaca 2-aad ee ugu qaalisan taariikhda kooxda.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa Man United ugu biiray lacag dhan 57 milyan oo euro waxana uu noqday daafacii 2-aad ee ugu qaalisanaa taariikhda Red Devils.

Dhinaca kale Lisandro Martinez ayaa ka mid ah daafacyada ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga kadib markii uu ku soo biiray Man United.

Sanadihii ugu dambeeyay kooxaha ayaa baanka u jabinayay saxiixyada daafacyada iyada oo ay kooxuhu sameeyeen saxiixyo difaacyo ah oo aad u qaali ah.

Daafaca Man United ee Harry Maguire ayaa ah daafaca ilaa haatan ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga dhinaca daafaca.

Hadaba Halkan hoose kaga bogo 10-ka daafac ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.

  1. Harry Maguire – Leicester City to Manchester United – £80m
  2. Matthijs de Ligt – Ajax to Juventus – £77m
  3. Virgil van Dijk – Southampton to Liverpool – £76.2m
  4. Lucas Hernandez – Atletico Madrid to Bayern Munich – £72m
  5. Ruben Dias – Benfica to Manchester City – £61.2m
  6. Joao Cancelo – Juventus to Manchester City – £60m
  7. Achraf Hakimi – Inter Milan to Paris Saint-Germain – £59.9m
  8. Aymeric Laporte – Athletic Bilbao to Manchester City – £58.5m
  9. Lisandro Martinez – Ajax to Manchester United – £57m
  10. Ben White – Brighton & Hove Albion to Arsenal – £52.7m