Saturday, July 12th, 2014

Jackson Martinez Oo Mustaqbalkiisa Go’aan Ka Gaaraya Ka Dib Bisha May.

Published on April 10, 2014 by   ·   No Comments

Wakiilka ciyaaryahanka lagu magacaabo Jackson Martinez ayaa sheegay in weeraryahanka reer Colombia uusan wax wada hadal ah la gali doonin naadi kasta oo xiiseenayso  isaga ka hor bisha May ee sanadkaan.

Weeraryahanka caalamiga wadanka Colombia Jackson Martinez ayaa kamid ah xidiga sida weyn looga xiiseenaayo suuqa kala iibsiga xidigaha caalamka isagoo bartil maameed muddo dheer u ah kooxo ay kamid tahay naadiga Chelsea ee dalka Ingiriska.

Jackson Martinez waa 27 sanno jir waxaana uu u ciyaara kooxda FC Porto ee dalka portigal halkaas oo uu kasoo bandhigay ciyaaro wanaagsan tan iyo markii uu kaga soo biiray naadiga reer Mexico ee lagu magacaabo Chiapas sanadkii 2012.

Wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Jackson Martinez uu u dhow yahay inuu ku biirayo kooxda Roma.

Wakiilka Jackson Martinez oo lagu magacaaabo Manuel Manso ayaa sheegay in xiidga uu wakiilka u yahay uusan la hadli doonin koox ilaa laga gaarayo bisha soo aadan ee May.

Jackson Martinez ayaa kooxdiisa FC Porto waxay ku jirtaa kaalinta 3-aad kala horeenta horyaalka Portugal waxaana 15 dhibcood ay ka dambeeyaan Benfica oo horyaalkaas hogaaminayso.

Share on Facebook

Comments

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *